Fur qaybaha degelka ☰Nagu saabsanAdeegyadaEditors-kaViews-ka kooxdaBandhiggaWarbixinnadaSu’aalahaXidhiidhka kooxda
SOOMAALIDA DAL IYO DIBAD

Xirfaddaadu.
Ha muuqato.

Waxaan la shaqaynaa Soomaalida dal iyo dibad, meel kasta oo ay joogaan. Waxaan xirfadlayaasha iyo hal-abuurayaasha ka caawinnaa habaynta muuqaallada iyo maamulka baraha bulshada. Nala wadaag fikraddaada, annaguna si qurux badan ayaan kuu soo bandhigaynaa.

Hel editor-kaaga ↗
Xidhiidh toos ah · Doorasho kuu furan
SOMALI YOUTH EDITORS
Somali Youth Editors, astaanta kooxda
Muuqaal. Habayn.
HAL MEEL KA HELHabaynta xayeysiisyada✳Maamulka baraha bulshada✳Muuqaallada gaagaaban✳Habaynta YouTube
NAGU SAABSAN

Hal meel.
Xirfado badan.

Somali Youth Editors waa koox dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku shaqaysa habaynta muuqaallada iyo maamulka baraha bulshada. Waxaan isku keennaa xirfado kala duwan si aan u abuurno wax si qurux badan loo soo bandhigo.

Qof walba wuxuu leeyahay meel lagu barto magaciisa, xirfaddiisa iyo sida loola xidhiidho. Xirfadlayaasha iyo hal-abuurayaashu waxay si fudud u heli karaan editor ku habboon shaqadooda.

Wada shaqayntan waxaa fududeeya Abdikani Dowlow, oo ah isku xidhe iyo qof tixraac ah oo u dhexeeya editors-ka iyo dadka la shaqaynaya. Isagu editor ma aha, shaqada editing-kana wuu ka madax-bannaan yahay.

Baro dadka hal-abuurka leh ↗
ADEEGYADA AAN KUU HAYNNO

Muuqaal tayo leh. Soo bandhigid qurux badan.

Habaynta muuqaalada iyo maamulka baraha bulshada.

Maamulka dhammaan baraha bulshada

Waxaan kuu maamulnaa dhammaan baraha bulshada ee ganacsigaaga ama shaqadaada. Waxaan diyaarinaynaa waxa la soo bandhigayo, waxaan u samaynaynaa jadwal, waxaana la soconaynaa waxqabadka. Wax kasta adiga ayaa eegaya oo ansixinaya ka hor soo bandhigidda.

Waxa adeeggan ku jira

  • Habaynta xogta bogagga iyo qaabka laguugu soo bandhigayo.
  • Diyaarinta qorshaha iyo jadwalka waxyaabaha la soo bandhigayo.
  • Habaynta muuqaallada iyo qoraallada la socda.
  • Soo bandhigidda waxyaabaha aad ansixisay, waqtigii lagu heshiiyey.
  • La socodka faallooyinka iyo farriimaha, haddii lagu heshiiyo.
  • Warbixin bille ah oo muujinaysa shaqada la qabtay iyo views-ka la soo gudbiyey.

Habaynta muuqaallada xayeysiiska

Waxaan muuqaallada aad soo dirto ka samaynaynaa xayeysiis kooban oo si cad u sharxaya waxa aad qabato, adeegga aad bixiso ama farriinta aad gudbinayso.

Waxa adeeggan ku jira

  • Doorashada muuqaallada ugu habboon farriintaada.
  • Jarista iyo isku xidhka muuqaallada si habaysan.
  • Ku darista qoraalka, magaca iyo xiriirkaaga.
  • Diyaarinta cabbirka ku habboon barta lagu soo bandhigayo.

TikTok, Reels iyo Shorts

Waxaan habaynnaa muuqaallo gaagaaban oo si fudud loo daawan karo, farriintooduna degdeg u caddahay. Waxaan adeegsanaynaa muuqaallada aad soo dirto ama qaybo laga soo xulay muuqaalkaaga dheer.

Waxa adeeggan ku jira

  • Bilow cad oo qofka tusaya waxa muuqaalka ku jira.
  • Ka saarista meelaha aan loo baahnayn iyo habaynta socodka muuqaalka.
  • Qoraal shaashadda ka muuqda iyo soo bandhigid nadiif ah.
  • Cabbir taagan oo ku habboon TikTok, Instagram Reels iyo YouTube Shorts.

Editing-ka YouTube iyo wareysiyada

Waxaan habaynnaa muuqaallada dhaadheer ee YouTube, wareysiyada iyo casharrada. Waxaan isku xidhnaa qaybaha muhiimka ah si muuqaalkaagu u noqdo mid cad, habaysan oo si fudud loo fahmi karo.

Waxa adeeggan ku jira

  • Jarista khaladaadka, hakadyada dheer iyo ku celceliska.
  • Isku xidhka qaybaha muuqaalka iyo hagaajinta socodkiisa.
  • Ku darista cinwaanno iyo qoraal sharxaya qaybaha muhiimka ah.
  • Ka soo saarista qaybo gaagaaban haddii lagu heshiiyo.
  • Soo gudbinta muuqaal diyaar u ah in lagu soo bandhigo YouTube.
Nala wadaag fikraddaada, muuqaallada iyo sawirrada aad haysato. Waxaan isla meel dhigaynaa waxa la qabanayo, jadwalka iyo qaabka aad rabto ka hor inta aan shaqadu bilaaban.

Shaqo kasta waxaan ka heshiinnaa qiimaha, waqtiga iyo waxa ku jira. Haddii loo baahan yahay gelitaanka bogaggaaga, waxaa la adeegsanayaa oggolaansho shaqo oo xaddidan. Tirada views-ka lama ballanqaadayo.

01 / QOF GAAR AH

Editor aad ka heshay?

Eeg xirfaddiisa iyo TikTok-giisa. Waxaad si toos ah ugala xidhiidhi kartaa WhatsApp ama Gmail, si aad uga wada hadashaan shaqada, qiimaha iyo waqtiga.

Dooro editor ↗
02 / KOOXDA OO DHAN

Mashruuc koox u baahan?

Ma garanaysid cidda aad dooranayso, ama waxaad u baahan tahay xirfado isku jira? Maamulka la xidhiidh si baahidaada loo eego.

KOOXDA SOMALI YOUTH EDITORS

Editors xirfad leh, hal meel.

Dhammaanteen waxaan nahay dhalinyaro ku shaqaysa editing-ka. Ka eeg xirfadda qofka, kadibna si toos ah ula xidhiidh.

Kooxdu waxay leedahay hal meel oo ay dhammaan editors-ku ka muuqdaan. Fur liiska si aad u hesho qofka aad u baahan tahay.

FUDUD. CAD. WADA SHAQAYN.

Sida aan u shaqayno.

01 / DOORO

Hel xirfadda kugu habboon

Eeg shaqooyinkii hore iyo qaabka habaynta. Dooro editor ama kooxda ha kuu xusho.

02 / NALA WADAAG

Noo sheeg fikraddaada

Noo sheeg waxa aad rabto, soo dir muuqaallada iyo sawirrada, isla markaana caddee waqtiga iyo miisaaniyadda.

03 / ABUUR

Shaqadaada ha bilaabato

Isla caddeeya tirada muuqaallada, jadwalka, qiimaha iyo sixitaannada. Waxa la soo bandhigayo adiga ayaa marka hore ansixinaya.

AWOODDA KOOXDA

Views-ka kooxda oo dhan.

Daawashada dhammaan akoonnada kooxda, shaqooyinka iyo muuqaallada kale. Xogtan way ka madax-bannaan tahay warbixinnada shaqada.

Views-ka bisha—
Views-ka guud ee la soo gudbiyey—
Akoonnada bisha laga soo gudbiyey—

Xogta waa la soo rarayaa…

Waxaa muuqda xogta xubnuhu soo gudbiyeen ee la ansixiyey. Views-ka guud waa tiradii ugu dambaysay ee akoon kasta laga ansixiyey; bilaha layskuma daro.

BANDHIGGA KOOXDA

Xirfaddeenna, muuqaallo iyo qoraallo.

Halkan waxaan ku soo bandhignaa xirfadaha kooxda, muuqaallo iyo warbixinno guud.

Bandhigga waa la soo rarayaa…

SOMALI YOUTH EDITORS / WARBIXINTA KOOXDA

Shaqadeenna, bil kasta.

Halkan ka eeg shaqooyinka iyo views-ka bisha ee la ansixiyey. Dooro bisha aad rabto si aad u aragto waxqabadka kooxda.

Soo dejiso PDF ↧

Warbixinta waa la soo rarayaa…

Views-ka bisha0
Muuqaallada la ansixiyey0
Dadka warbixiyey0

Waxqabadka qof kasta

MagacaMuuqaalloViews-ka bisha

Shaqooyinka la ansixiyey

Editor / ShaqoBarta muuqaalkaViewsMuuqaalka

Haddii muuqaal isku mid ah dhowr qof soo gudbiyaan, wadarta kooxda hal mar ayaa lagu daraa. Waxaa la qaataa views-ka ugu badan ee la ansixiyey, si aan tiradu u labanlaabmin.

SU’AALO KOOBAN

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato.

Sideen editor u helaa?

Fur liiska editors-ka, eeg xirfadda qofka iyo TikTok-giisa, kadibna WhatsApp ama email kala xidhiidh.

Sideen editor cusub ugu biiraa?

La xidhiidh kooxda oo sheeg inaad tahay editor doonaya inuu ku biiro. Kooxda ayaa kuu sharxaysa tallaabada xigta.

Sideen shaqo u codsadaa?

Riix La xidhiidh kooxda, dooro adeegga aad rabto, kadibna si kooban u qor baahidaada. Farriinta waxaad ugu diri kartaa WhatsApp ama email marka xiriirka kooxda la geliyo.

Qiimaha sidee looga heshiinayaa?

Editor-ka ama kooxda kala heshiis shaqada, qiimaha iyo waqtiga ka hor bilaabista.

AAN WADA HADALNO

Qofka saxda ah.
Xidhiidhka saxda ah.

Dooro qof gaar ah ama kooxda. Adiga ayaa doorashada leh.

La xidhiidh Somali Youth Editors

Nala soo xidhiidh wixii su’aalo guud ah, helitaanka editor, mashruuc kooxeed ama ku biirista kooxda.

Xiriirrada rasmiga ah dhawaan ayaa lagu dari doonaa.

Qof gaar ah raadinaysaa? Eeg hal-abuurayaasha ↗

Xirfaddaada si qurux badan u soo bandhig.

Adigu keen fikradda. Annagu keenna hal-abuurka.

SOMALI YOUTH EDITORS

Dhammaan editors-ka

Qof kasta markiisa ayuu hore u soo muuqdaa marka liiska la furo. Kala horreyntu ma aha qiimayn.

Liiskan waxaa ka muuqda editors-ka la ansixiyey iyo xogtooda xidhiidhka.

BILOW WADA SHAQAYN

La xidhiidh kooxda.

Sideen kuula soo xidhiidhnaa?

Geli lambarkaaga WhatsApp, email-kaaga ama labadaba. Ugu yaraan mid ayaa loo baahan yahay.

Marka hore farriinta eeg, kadib adiga ayaa u diraya kooxda. Foomkan akoon kuma samaynayo.